Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Axmed Barre

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16263035481065968.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Galmudug geerida ku timid Ugaas Axmed Barre Cali oo ku geeriyoodey magaalada Caabudwaaq.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ugaasku ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay doorkii uu ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Axmed Barre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this