Sign in to follow this  
Deeq A.

Cilmi-baaris: Magaalooyin burburay oo laga helay Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garowe ayaa lagu soo bandhigay daraasad ka hadlaysa saddex magaalo oo taariikh hore burburay oo laga helay dooxada Nugaal.

Magaalooyinka oo qiyaastii midiiba ku fadhiday dhul dhan 1-km ayaa magacyadooda lagu sheegay Xundhurgaal, Xabgaal iyo Xananley, kuwaas oo aasaartooda laga helay agagaarka Garowe.

Daraasadda waxaa qoray Siciid Shidaad Xuseen oo hay’adda cilmi-baarista Puntland ee PDRC u qaabilsan daraasadaha sare ee cilmiga bulshada.

Siciid Shidaad ayaa kulankii furitaanka bandhiga daraasaddan kaga hadlay magaalooyinkii burburay ee Nugaal iyo ilbaxnimadii dhul-weynaha Soomaaliya.

Muuqaal: Siciid Shidaad oo ka hadlaya daraasadda saddexda magaalo.

Azania (Archaeological Research in Africa) oo ka mid ah nadaamka cilmi-barista ee jaamicadda Cambridge ayaa dhawaan daabacday warbixin ay uga hadashay magaalooyinka burburay ee laga helay dooxada Nugaal, iyadoo soo xigatay cilmi-baarista Siciid Shidaad.


PUNTLAND POST

The post Cilmi-baaris: Magaalooyin burburay oo laga helay Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this