Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada laga soo doorto Gobollada waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   
4-7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee laga soo doorto Gobollada waqooyi ee Somaliland.

Kulanka Ra’iisul wasaare Rooble  iyo xildhibaannada laga soo doorto Gobolllada waqooyi, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheega in Ra’iisul wasaaruhu xildhibaannadaas u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay, isagoo u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada laga soo doorto Gobollada waqooyi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this