Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka falceliyay kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka falceliyay kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar

xuquuq.png

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay barta twitter-ka ku sheegtay inay ka xuntahay kufsi iyo dil loo geystay Hinda Cumar.

Gabadha la kufsaday kadibna la dilay ayaa markii ay musiibadan ku dhacaysay waxa ay saarnayd basaska dadweynaha.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegaysa in qoyska Marxuumad Hinda Cumar ay sheegeen in meydka markii hore lagu sameeyay baaritaan, kadibna la ogaaday in inta aan la dilin la kufsaday

Xafiiska ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ee sii kordhaya waxayna sheegtay in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyigelinta la xiriirta kufsiga, sidoo kalana hay’adda ayaa sheegtay inaysan jirin isla xisaabtan dhab ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this