Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sameystay madal ay ku mideysan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiyada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sameystay madal ay ku mideysan yihiin

Xisbiyada ka jira Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo isugu Jiro Mucaarad iyo Muxaafid ayaa sameystay madal ay ku mideysan yihiin oo ay isaga kaashanayaan cabashooyinka ka dhalan kara doorashada iyo afkaarta siyaasadeed ee ay ka mideysan yihiin.

Madasha oo si rasmi ah oo looga dhawaaqay magaalada Jigjiga waxay noqon doontaa mid u sii gogol xaadho doorashada lagu wado iney deegaankaasi ka dhacdo 6-da bisha September 2021-ka.

Ku dhawaqidda madasha xisbiyada ayaa ku soo beegmeyso xilli doorashada gud ee dalkaasi Itoobiya ka dhacday natiijadeeda hordhaca la shaaciyey si aqlabiyad lehna uu ugu guuleystay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP uu hogaaminayo Ra’isal wasaare Abiy Axmed.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this