Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo cambaareyay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa canbaareeyay rabshadaha iyo boobka ka socda dalka Koonfur Afrika kadib markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalkaas, Jacob Zuma.

Bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika si adag u camnbaareynaayo rabshadaha ka socda koonfur afrika ee sababay dhimashada dad rayid ah iyo boobka hantida guud iyo tan gaarka loo leeyahay.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay si deg deg a usoo celiso kala danbeynti iyo xasilooniida dalka iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga.

Guddoomiye  Muuse ayaa u tacsiyeyay dhammaan qoysaskii laga geeriyooday, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacamay rabshadaha.

Madaxweynihii  hore ee dalkaas, Jacob Zuma ayaa Khamiistii la soo dhaafay is dhiibay si uu 15 bilood ugu soo qaato xabsiga kadib markii lagu helay danbiyo kala duwan.

Taageerayaasha Jacob Zuma ayaa billaabay mudaaharaadyo looga soo hor jeedo xabsigiisa, waxaana gobolo ka mid ah dalkaas ka dhacay rabshado iyo boob sababay inay dhintaan 72 qof.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo cambaareyay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this