Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Garsoorka oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
2-16.jpg?resize=1000%2C648&ssl=1

Shirka madasha garsoorayaasha, (Judges Forum) ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa looga hadli doonaa arrimaha caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan uu noqon doono mid saddex bille ah oo lagu lafa-guri doono xeerarka dalka iyo caqabadaha lasoo gudboonaada horumarka garsoorka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirka xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda  gobolka Banaadir Cabdi Qadar Maxamed Xasan iyo Garsoorayaasha degmooyinka Gobalka Banaadir.

Ujeeddada Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallo dib loogu habeeynayo adeegga Garsoorka si ay u noqoto madal joogto ah oo leysku dhaafsado cilmiga iyo aqoonta Garsoorka ee dalka si loo ballaariyo adeegga cadaaladda ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Garsoorka oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this