Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: BIIXI oo booqday deegaan ay sheegatay inay la wareegtay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer ku tegay gudaha deegaanka Dhaghaye oo hoostaga degmada Hobyo, kadib markii Al-Shabaab ay shaaciyeen inay qabsadeen deegaankaasi.

Taliyaha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo beeniyey warka kasoo baxay Al-Shabaab ee ah inay si nabadoon ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Biixi ayaa socdaal ku maray qeybo ka mid ah deegaanka iyo saldhigyada ciidamada dowladda uu ku yaalla duleedka Dhaghaye ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay xoojiyaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo.

Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa halkaasi ka jira howl-gallo ay wadeen ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Si kataba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli dagaallo iyo howl-gallo ka fuliso gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

3-2-696x313-1.jpg 2-8.jpg 1-8.jpg 4-2.jpg

The post Sawirro: BIIXI oo booqday deegaan ay sheegatay inay la wareegtay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this