Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay ee Khilaafka Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
baarlamanka-1.jpg?resize=1000%2C601&ssl=

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan, in uu socdo dadaal lagu xallinayo muranka ka taagan wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland.

Dhinacyada ku muransan arrintan, ayaa sida la xaqiijiyay wada-hadal bilaabay, iyagoo  isu- soo dhowaansho ka muujiyay xallinta khilaafka ka dhashay wax-ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka.

Fadhiga Baarlamanka ayaa lagu wadaa in Sabtida dib la isu’gu soo laabto, kadib mudda saddex maalmood ah oo la fasaxay xildhibaannada oo isku khilaafsan wax-ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha.

Sidoo kale, waxa la filaya in wada-hadal lagu dhammeeyo is-maandhaafka jira, islamarkaana xal rasmiya laga gaaro arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay ee Khilaafka Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this