Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Tigrayga Oo La Wareegay Magaalooyin Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada difaaca Tigrayga ayaa kolanyo ciidamo ah u daabulay xadka gobalka Tigrayga uu la wadaago dhiggiisa Amhara.

TDF ayaa sheegtay in ay talaabadaan kaga jawaabeyso ciidamada Amxaarada ee ku sugan gobalkooda qeyba ka mid ah .

Xaaladda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sii xumaatay xilli siyaasiyiinta Amxaarada ay ugu baaqeen TPLF in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada hormuudka u ah hurinta colaad dhex marta labada qomiyadood ee wada daga dalka.

Deeqbixiyayaasha ayaa xukuumadda Abiy ka joojiyay deeqihi ay siin jireen kadib markii ay soo shaac baxday in weli gabood fallo ay ka mid yihiin kufsi iyo dil loo geysanayo shacabka ku dhaqan Tigray.

Ciidamada Tigrayga ayaa ka gudbay magaalada koonfurta gobalka ku taallo ee Mai Tsebri oo u dhaw gobalka Amxaarada.

Afhayeenka xisbiga talada haya ee Tigray Getachew Reda ayaa  sheegay in ciidamada Tigreegu ay sidoo kale habeenimadii Isniinta la wareegeen gacan ku haynta magaalada Alamata oo ah magaalada ugu weyn ee koonfurta Tigreega.

Magaalooyinkan ay Jabhadda la wareegtay waxaa horay u sheegan jiray Amxaarada, kuwaas oo muddo ka talinayay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this