Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabbe Shiine Ah Oo 24 Sanno Kadib Helay Wiil Laga Xaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Shandong)-Nin u dhashay waddanka Shiinaha ayaa dib u helay wiil uu dhalay oo uu la’aa muddo ka badan 24 sanno kadib markii laga afduubtay albaabka guriga ay degenaayeen.

Aabaha dhalay wiilkan ayaa u safray in kabadan nus malyuun kiilomitir isagoo raadinaya wiilkiisa. Wiilka Guo Gangtang wuxuu jiray kaliya laba sano iyo shan bilood markii laga afduubtay guriga qoyska hortiisa ee ku yaalla bariga gobolka Shandong, halkaas oo uu ku ciyaarayay isaga kaligii ah.

Kooxo afduubayaal ah ayaa wiilka kaxaystay kadibna ka iibiyay qoys ku nool badhtamaha Shiinaha, sida ay sheegtay wasaarada amniga dadwaynaha.

Afduubka iyo ka ganacsiga carruurta ayaa ku faafay Shiinaha sannadihii sideetameeyadii, markii la dhaqan galiyay sharcigii hal carruurta ah ee qallafsanaa.

Sannado badan oo baadigoob ah kadib, booliska ayaa Guo u sheegay Axaddii in baadhitaanka DNA-ga lagu xaqiijiyay in macallin 26 jir ah oo ku nool badhtamaha gobolka Henan uu yahay wiilkiisa oo muddo dheer raadinayay.

“Hadda oo wiilka la helay, wax walba oo keliya ayaa lagu farxi karaa hadda ka dib,” ayuu yidhi Guo oo ilmeynaya markii uu la kulmay wiilkiisa.

Sannadihii la soo dhaafay, Guo wuxuu ka caawiyay toddobo qoys oo kale inay helaan carruurtooda ka lumay waxayna sare u qaadeen wacyiga ku saabsan ka ganacsiga carruurta.

Guo ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu mar sii horreysay booqday magaaladii uu wiilkiisa ku koray si uu aabe kale uga caawiyo inuu helo wiilkiisa la afduubtay.

Laba tuhmane oo lala xdhiidhinayo kiiska ayaa la qabtay, hase yeeshee Booliska ma bixin faahfaahin ku saabsan qoyska iibsaday wiilka Guo.

Tan iyo markii ay bilaabeen in la baadho xogta DNA-da ee xubnaha qoyska kala lumay sannadkii 2016, booliisku waxay sheegeen in ay ka caawiyeen in ka badan 2,600 oo qof inay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this