Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyadda Somaliland Oo Isu-bedeshay Saylad Lagu Kala Iibinayo Xildhibaanadda iyo Dilaaliin Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin Buux Dhaafiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa maalmihii iyo habeenadii ugu dambeeyey ahayd mid si weyn u mashquul ah,isla markaana laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xooggan oo aan hore loo arrag,kuwaas oo la xidhiidha arrimaha doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Qasriga Madaxtooyadda Somaliland,ayaa laga dareemayey mashquul aad u baddan.kaas oo aan ahayn shaqadii caadiga ahayd ee Madaxtooyadda Somaliland ka socon jirtay,balse ah qorshaha uu Xisbiga KULMIYE uu ku doonnayo inuu ku hanto jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isagoo Madaxweyne Biixi kolkii u horraysay uu heen-saha u saaray faraskii ciyaarta Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ku gelayo Xisbiga KULMIYE.

Dhanka kalene Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin xilal ka haya Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, ayaa buux dhaafiyey Madaxtooyadda Somaliland,kuwaas oo ah qaar ay dirtay Madaxtooyadda Somaliland oo dilaalin ah oo keliya loo diray sidii ay u soo xero-gelin lahaayeen Xildhibaanada ka soo baxay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ee ka soo jeeda beelahooda si xisbiga KULMIYE uu ugu buuxsamo kooramka uu raadinayo ee Golaha Wakiillada.

Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin caan ah,ayaa kamid ah kooxo dilaal-nimo u xuub siibtay,kuwaas oo heshiis-yo indho sarcaad ah oo ah qaar ay Xukuumadda KULMIYE awrkeeda ku kacsanayso la gellaya Xildhibaanada qorshahooda iyo qarashkooda qaata ee ka soo baxay Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland.

Geesta kalene kooxahan ayaa qarkood ay is muujiyeen,kuwaas war-baahinta ka soo muuqday,isla markaana la tuhunsan yahay inay xilal iyo xoolaba ay qaar kood kaga xod-xodanayaan Madaxweyne Biixi,waxaana xusid muddan in sawirro ay la galeen Xildhibaano ka soo baxay UCID iyo WADDANI loo baahiyey siyaabo kale duwan

Sidoo kalena siyaasiyiintan iyo Madax-dhaqameedka dilaalinta ah,ayaa la arkayey Xildhibaano ay la kullan siinayaan Madaxweyne Biixi,kuwaas oo uu kullan la qaatay Madaxweynuhu,waxa ay xoggaha laga hellay sheegeen in xildhibaanada uu danaha ka leeyahay qaarna muraadkooda oo sariifan loo dhiibay,badhna ku samirsiiya ballaan-qaad iskugu jiraa Xilal, Daaro iyo Mashaaric Mustaqbalka ku xidhan”Madaxweynihi qaranka ee qorshayaal horumarineed iyo hoggaamin umaddeed looga fadhiyey, Waxa ay aragtidiisi siyaasaddeed ku soo ururtay in habeenba saqda dhexe uu sawir la soo galo nin dhallinyaro ah oo Xisbi mucaarad ka soo baxay.” Ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga WADDANI

Si kastaba ha-ahaatee Madaxtooyaddii Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambaysay laga darreemayey mashquul aad u baddan,iyadoo ay soo buux dhaafiyeen dilaaliin madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin iskugu jira,kuwaas oo adeegayaal u ah Madaxtooyadda,isla markaana kale shaqaynaya sidii ay u soo xerro gelin lahayeen Xildhibaano kooramka u buuxiya Xukuumadda KULMIYE.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this