Sign in to follow this  
Deeq A.

Loollanka Shir-guddoonka Oo Maraya Marxalad Xasaasi Ah + Xubno Wasiirro Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan KULMIYE Oo Ka Biyo Diidsan Faratoon

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Saacad iyo il-bidhiqsi walba kan ka dambeeya, waxa cirka isku sii sharreeraya xamaasadda iyo xiisadda loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,Sidoo kale, iyana waxa sida cir-toobta oo kale samadda isku xidhay guuxa, galeydhka iyo guura-bahalaynta xubnaha dhinacyada kala taageersan shaqsiyaadka qaarna hanku shidayo, kuwa kalena ficilku waddo.

Teeda kale, waxa intaa raaca oo arrimaha sida gaas kabriid lagu qabtay oo kale, Cir-ciraad ku laalay xubno siyaasiyiin Dilaaliin ah oo u adeegaya Madaxweyne Biixi,isla markaana uu u soo diray inay kale furfuraan mucaaradka,lakiin marri waayey xubnaha Xildhibaanada Mucaarad UCID iyo WADDANI oo iyagu xaraarta butaystay,isla markaana aqlabiyadda middaysan oo mitid ah haysta.

Marka la isku geegeeyo xiisadaha taagan, dhaqdhaqaajinta Beelaha, shirar-doceedyada iyo Siyaasaddaha Af-dhuunyaaleynta ee xubnaha qaar ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waxa arrimahani iftiimiyeen ama dibeda soo dhigeen xaqiiqada xubno in badan la tuhunsanaa oo ka tirsan xukuumadda in aanay ku qanacsanay Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu u wato Madaxweyne Biixi inuu ku dhiso ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this