Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay banaanbaxyada iyo rabashadaha ka socda Magaalooyin ka tirsan Koonfur Afrika, kuwaas oo saameeyay Soomaalida Ganacsi ahaan  u joogta dalkaas.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaliya aad uga xun tahay Afarta qof ee Soomaalida ah ee rabshadahaas lagu dilay, sidoo kale dhaca loo geystay

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda qoto dheer oo ku saabsan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen iyo dukaankooda oo ay dhac ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72dii saacadood ee la soo dhaafay” ayaa lagu yiqi qoraalka dowladda Soomaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqday in ay muujiso dadaal xoogan  si loo ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Dalka koonfur Afrika waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socda banaanbaxyo iyo rabshado ay sameeynayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, waxaana rabshadahaas lagu dilay Afar qof oo Fanacsato Soomaali ah, halka kuwo kale hantidooda la boobay.

3-11.jpg?resize=526%2C525&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this