Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal amni oo laga sameeyay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug ayaa xalay howlgalo saacado socday ka sameeyeen dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Magaalada, waxaana Ciidanka ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dadka saaran gaadiidka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug u qaabilsan Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, isla markaana looga hortegayay falalka amni darro iyo maandooriyaha Khamriga.

Taliyeyaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa bulshada Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan ka hortega arrimaha amniga lid ku ah iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga ama isticmaala.

PUNTLAND POST

The post Hawlgal amni oo laga sameeyay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this