Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab u rarnaa Ganacsato Reer Somailand-na oo ka goostay Dekeda Berbera isagoon rogin Shixnadii saareyd+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Markab u rarnaa Ganacsato Reer Somailand-na oo ka goostay Dekeda Berbera isagoon rogin Shixnadii saareyd+Sababta
markab-1.jpg

Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah isla-markaana muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogin.

Warar uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Markabku ka goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii Wakiilka u ahaa, kaasi oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.

Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo Ganacsatada Somaliland u siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka.

Warar kala duwan oo Geeska Afrika soo gaadhay, ayaa sheegay in Ganacsatadu ku mashquulsan yihiin inay meel ku ogaadaan Markabkii alaabta u siday, balse illlaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay Markabkaasi.

Xilliga Markabku Alaabta la goostay, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this