Sign in to follow this  
Deeq A.

 Xildhibaan Soomaali ah oo Ilaaladiisa sidii Qadaafi ka dhigatay Dumar

Recommended Posts

Deeq A.   

 Xildhibaan Soomaali ah oo Ilaaladiisa sidii Qadaafi ka dhigatay Dumar

.

Dad badan waxay aad u xasuustaan in hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi ay ilaaladiisa gaarka ah ahaayeen gabdho, laakiin hadda waxaa arrintaas mar kale samaysay gabar Soomaali ah oo ku jirta baarlamaanka dalka Kenya.

Canab Suboow Guure, oo ah xildhibaan laga soo doortay Garissa ayaa qabsatay hadal haynta baraha bulshada maxalliga ah iyo warbaahinta Kenya ka dib markii ay soo bandhigtay ilaaladeeda wada dumarka ah.

Arrinta kale ee dadka soo jiidatay waxay ahayd in gabadhaha ilaalada u ah Canab ay si buuxda ugu asturan yihiin xijaabka Islaamka, ayna hubaysan yihiin.

Labo gabdhood oo la sheegay in ay yihiin ilaaladeeda khaaska ah ayaa sidoo kale sita gasnadaha rasaasta iyo qoryo.

Canab Suboow Guure ayaa mar baahisay sawir ay ka muuqdeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in si wayn loogu eedeeyo in dal kale ay taageero u tahay.

Balse way beenisay dhammaan eedaha loo jeediyay, Waxayna sheegtay in sawirka uu ahaa xilligii la furayay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Canab oo ah siyaasi aad ugu doodda xuquuqda dadka ay matasho ayaa Waraysi ay siisay warbaahinta Nation ku tiri: “Waxaan door biday inaan dumar ka dhigto ciidanka sugaya amnigayga. Waxaan aaminsanahay in gabdhaha ay qaban karaan shaqo ka fiican midda ragga.”

Sawirrada hadal haynta dhaliyay ayaa laga soo qaaday xilli ay booqasho ku tagtay goob amnigeeda uu halis yahay.

Iyadoo arrintaas sharraxaysa waxay sheegtay: “Meesha aan u safray waxay 10km u jirtay xadka Soomaaliya, waxaana u baahday hal gaari oo ciidanka amniga ah inuu i wehliyo. Goobta aan tagay waxaa dhawaan weerar ku soo qaaday koox ka tirsan al-Shabaab, sidaas awgeed ma aanan rabin in aan naftayda halis galiyo.”

Ilaalada xildhibaan Canab Guure ayaa ku labisan dharka asturan ee dumarka Muslimiinta

CANAB GURE

Ilaalada xildhibaan Canab Guure ayaa ku labisan dharka asturan ee dumarka Muslimiinta

Balse waxay sheegtay in aysan ahayn markii ugu horraysay ee ay haween u noqdeen ilaalaa amnigeeda sugaya.

“Maya, iguma wehliyaan oo kaliya safarrada aan xuduudda agteeda ku aado, mar walba way ila joogaan gabdhaha ilaalada ii ah,” ayay tiri.

 

.

CANAB GURE

Intii ay booqashada ku joogtay halkaas waxay kulamo la yeelatay bulshada halkaas ku dhaqan, kuwaas oo ay kala hadlaysay xaalado ay ka mid yihiin amniga iyo nolosha, maadaama ay tahay goob ka tirsan ismaamulka Garisa.

Maxay tahay Faa’iiada gaarka ah ee ugu jirta gabdhaha ilaalada ah?

Xildhibaan Canab Suboow Guure waxay sharraxaad ka bixisay sababta ay u jeclaatay ilaaada dumarka kaliya ah, iyadoo sheegtay inay ku qabto faa’iido dheeraad ah.

“Waxaa jira qalab dumarka u gaar ah shakhsi ahaan oo aan mararka qaar hilmaamo in aan qaato, sidaas awgeed waxaan ka heli karaa gabdhaha ilaaladayda ah oo boorsooyinkooda ku wata. Sidoo kale waxaa jira hadallo aanan ku dhex dhihi karin ilaalada ragga ah”.

.

CANAB GURE

Mar la waydiiyay sida ay ku samaysatay ciidanka haweenka ah waxay sheegtay in aysan dooneynin inay bixiso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan gabdhaha, maadaama ay tahay xog u gaar ah iyaga.

Waa markii ugu horraysay oo xildhibaan Canab lagu arko ilaalada dumar ah oo si buuxda u xijaaban oo Soomaalina ah.

Hadal haynta ka dhalatay arrintan ayaa gaartay heer dadka qaar ay ku taliyaan in dhammaan dumarka siyaasyiinta ah ay sameystaan ilaalo gabdho ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this