Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo war ka soo saaray khilaafka ka dhashay wax-ka bedelka xeer-hoosaadkooda

Recommended Posts

Deeq A.   
Baarlamanka.jpg?resize=500%2C281&ssl=1

Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in uusan jirin qodob ka mid ah xeer-hoosaadka Golaha oo ka hor-imanaya dastuurka Puntland.

War-saxaafedeed ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in xeer-hoosaadka dhawaan wax-ka-bedelka lagu sameeyay loo maray sifo sharci ah oo waafaqsan qodobada xeer-hoosaadka ee Golaha Wakiillada.

Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa beeniyay in aysan jirin mushaar ay leeyihiin xubnaha Baarlamaanka ee dib loo soo dooran waayo, balse waxay xuseen in uu jiro xeer la soo saaray 2013 oo sheegaya in xildhibaannadu markay xilka banneeyaan leeyihiin mushaar 12 bilood ah oo sagootina.

War-saxaafadeedka Baarlamaanka Puntland ayaa looga jawaabayay wareysi uu BBC-da siiyay Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Kuluc oo ku sheegay in xeer-hoosaadka wax-ka-bedelka lagu sameeyay uu ka hor-imanayo dastuurka Puntland.

FB_IMG_16261962533360053.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo war ka soo saaray khilaafka ka dhashay wax-ka bedelka xeer-hoosaadkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this