Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somaliland Oo Soo Qabtay Shixnada Khamri Ah Oo Si Qarsoodi Ah Dalka Lagu Soo Gelinaayay, Iyadoo Lagu Soo Dhex Qariyay Jawaannada Qaadka Ee Ka Yimaadda Itoobiya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qabtay Shixnada Khamri ah oo si qarsoodi ah dalka lagu soo gelinaayay, iyadoo lagu soo dhex qariyay jawaannada qaadka ee ka yimaadda Itoobiya.

Taliyaha Ciidamadda Booliska JSl Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la dhaawacayo damiirka iyo qiyamaka bulshadda Somaliland, iyadoo maandooriye kala duwan lagu faafinayo deegaanno farabadan oo dalkoo dhan ah. Taliyuhu waxa uu sheegay Ciidamadda Booliska JSl ay talaabo adag ka qaadi doonaan dadka arrimahaasi ku hawlan, xeelad kasta oo ay isticmaalaana ay shariciga horkeeni doonaan.

Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale) oo arrintaasi ka hadlaaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this