Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la shiray guddiga Amniga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
2-14.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo ka warbixiyay Kulanka, ayaa sheegay in looga hadlay sidii isku-duubni looga shaqayn lahaa amniga doorashooyinka dalka.

Shirka waxa looga hadlay sidii si midnimo ah oo isku duubnaan ah oo isku aragti ah looga qayb qaadan lahaa doorashadu in ay ku dhacdo si amni ah cadaalad ah qof kasta oo Soomaali ah uu raalli ka noqdo” ayuuu yiri Taliye Xijaar.

Taliyaha ayaa sheegay in la isku raacay isku-aragtina laga ahaa in dalka laga qabto doorasho hufan oo caddaalad ah islamarkaana ku dhacda si amni iyo nabadgelyo ah.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo la shiray guddiga Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this