Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM ‘oo khasaare lagu gaarsiiyey’ qarax ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ciidamadaasi lala eegtay, xilli ay marayeenj inta u dhexeysa Buula Mareer iyo Golweyn.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee AMSIOM, halka uu ku dhaawacmay oo mid kale oo tarjumaan ah.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in qaraxa, kadib ay rasaas u fureen hareeraha wadada lagu qarxiyey, ayna markii dambe sii wateen socdaalkooda.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxaya AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ku aadan qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Uganda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana shaacisay in marka laga tego dhimashada askariga iyo midka dhaawaca ah uu burbur uu so gaaray mid ka mid ah kolonyada gaadiidkaas oo kasoo amba-baxay dhanka deegaanka ee gobolkaasi.

Int badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

The post Ciidamada AMISOM ‘oo khasaare lagu gaarsiiyey’ qarax ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this