Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Koonfur Afrika oo la geeyay Gobollo Rabshado ka socdaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Koonfur Afrika ayaa sheegay inay ciidamo geeyeen laba gobol, oo ay ku jirto magaalada Johannesburg, si ay booliiska uga caawiyaan la tacaalida bililiqaysiga iyo dabka la qabadsiiyo goobaha ganacsiga.

Ciidamada ayaa la geeyay gobolka Gauteng, iyo gobolka KwaZulu-Natal ,si wax looga qabto rabshadaha dhaliyay in la burburiyo goobaha ganacsi .

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay dadka inay “ka hortagaan rabshadaha” iyada oo laga jawaabayo qalalaasaha dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay xariga Madaxweynihii hore Jacob Zuma.

Rabshadahaan ka dhacaya dalka K/Afrika waxaa ka dambeeya taageerayaasha madaxweynihii hore Jacob Zuma oo ah 79-jir lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Koonfur Afrika oo la geeyay Gobollo Rabshado ka socdaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this