Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Sababay Dhimashada Bukaanno Badan Oo Ka Kacay Isbitaal Ku Yaalla Dalka Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Nasiriya ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu yaraan 52 qof ay dhinteen kadib markii dab uu ka kacay Isbitaal ku yaallo martamaha magaalada Nasiriya.

Dabka ayaa dhashay kadib markii uu qarxay keydka Oksajiinta ee isbitaalka, waxaana isbitaalka uu ahaa mid lagula tacaallo dadka uu soo rito xanuunka Corona Virus.

Isbitaalka dabka uu ka kacay ayaa lagu magacaaba  Al-Hussein waxa uuna ku yaalla koonfurta magaalada  Naasiriya ee dalka Ciraaq.

“meydadka 52 la soo saaray halka 22 qof oo dhaawac ah isbitaalada la geeyay kadib markii haamaha Oksajiinta ay qarxeen” ayuu yiri Haydar al-Zamili, oo ah afhayeenka maamulka caafimaadka ee magaalada Nasiriya.

“Dadka dhintay ayaa waxay u dhinteen gubasho welina baaritaanka waa socdaa,”ayuu intaas hadalkiisa ku sii daray Haydar al-Zamili.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this