Sign in to follow this  
Deeq A.

Miisaaniyadda Galmudug ee 2021/22 Waa $27 million, Akhriso Faahfaahinta!

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye ayaa waxaa uu saxiixay miisaaniyadda dowlad gobleedka Galmudug ee  2021/22.

Miisaaniyad sanadeedka oo gaareysa $27 million ayuu baarlamaanka maamulkaasi anisixyey June 24, 2021 halka uu haatan saxiixay madaxweyne Axmed Kaariye Qoor-qoor.

Sida ku cad shaxda miisaaniyadda ee Galmudug,  dowladda dhexe ayaa bixin doonta qarashka inta badan iyada oo qaab deeqo iyo gargaar caalami ah u heleysa.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ay si gaar ah Galamudug u siin-doontaa $1.8 million, halka lagu qiyaasay deeqaha ay maamulkaasi ka filayaan Bangiga adduunka iyo hey’adaha kale  ee caalamiga ah ilaa $14 million, canshuurta laga qaado reer Galmudug waxay miisaaniyadda ka tahay uun 26% ($7 million).

Sida aad ku arki karto shaxda miisaaniyadda Galmudug 2021/22 , qarashka inta badan waa mushaaraad iyo arrimo la xiriira amniga, waxaana kooban adeegyada.

Marka qarashkii $27 million ahaa loo qeybiyey wasaaradaha, hey’adaha iyo xafiisyada kala duwan ee Galmudug waxaa qeybta ugu weyn helay wasaaradda amniga ee Axmed Maclin Fiqi oo la tagtay ($4.9 million) taas oo u dhiganta 18% oo miisaaniyadda oo dhan ah, waxaa ku xiga wasaaradda maaliyadda, Wasiir Farxaan Cali Maxamuud iyo kooxdiisa waxaa ku baxeysa $3.7 million halka xafiiska madaxweyne Qoor-qoor ay ku baxeyso ($3.6 million.

Baarlamaanka Galmudug ee uu hoggaamiyo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa ku bixi doona qarasha dhan $1,851,516,00,wasaaradda waxbarashada ($2.3 million), Wasaaradda caafimaadka  ($1.5 million) wasaaradda biyaha iyo tamarta ($794,000), Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska: ($1,104,260.00), Wasaaradda arrimaha gudaha: ($2,076,004.75)

Inta soo hartay wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee dowlad goboleedka Galmudug waxay miisaaniyadda ama qoondada ku leeyihiin 1%.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye,

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this