Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo digniin ka soo saartay la macaamilka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Shir ay Kismaayo ku yeesheen golaha amniga Jubbaland, isla-markaana uu guddoomiyey madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa digniin culus loogu diray odayaasha iyo dadka kale ee la macaamila kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.

Jubbaland ayaa sidoo kale ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka u fartay in aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab, maadaama la galayo doorasho guud.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu amray hay’adda nabad sugida inay tallaab adag ka qaado cid kasta oo jabisa go’aankan ka dhanka ah la macaamilka Al-Shabaab.

“Waxaa la farayaa wasaaradda amniga in ay gudato waajibaadkeeda kormeerka, dabagalka iyo hubinta habsami u socodka shaqada howlaha amniga, warbixin joogta ahna u soo gudbiso madaxtooyada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay weli ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana go’aankan uu ku soo aadayaa, xilli haatan la aadayo doorashooyinka dalka.

Si kastaba go’aankani ayaa waxaa looga gol-leeyay sidii loo xakameyn lahaa in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato doorashada soo socota, maadaama ay horey ugu yeereen qaar ka mid ah ergadii wax kasoo xulay baarlamaanka haatan uu dhammaaday muddo xileedkiisa, isla-markaana dhalisay ku aadan in Al-Shabaab ay ku dhex-milmi karaan dowladda soo socota.

WhatsApp-Image-2021-07-13-at-7.57.22-AM.

The post Jubbaland oo digniin ka soo saartay la macaamilka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this