Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka oo kulan gaar ah la yeeshay Midowga Murashixiinta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1-16.jpg?resize=720%2C479&ssl=1

Xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo uu hogaaminaayo guddoomiyaha guddigaas Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay Midowga Musharixiinta Muqdisho.

War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay iskaashiga ku saabsan hirgelinta doorashooyin daah-furan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan murashixiinta u tartamaya labada aqal ee Baarlamanka.

Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa daadihinta doorashooyin daah furan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri warkaas.

Sidoo kale, Midowga Musharixiinta ayaa  sida qoraalka lagu sheegay  wuxu ballan-qaaday in ay taageero buuxda oo hagar la’aan ah siinayaan guddiyada doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka oo kulan gaar ah la yeeshay Midowga Murashixiinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this