Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Gudoonka Baarlamaanka & Madaxtooyada Puntland+Halka Sartu ka qudhuntay

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Gudoonka Baarlamaanka & Madaxtooyada Puntland+Halka Sartu ka qudhuntay

 deni.jpg

Saamayn xooggan iyo culays siyaasadeed ayaa ka dhashay waxka bedelkii dhowaan golaha wakiiladu ku sameeyeen xeer hoosaadka barlamaanka Puntland, xilli uu dalka ka maqnaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxka bedelka lagu sameeyey xeer hoosaadka barlamaanka Puntland ayaa waxa uu awood dheeraad ah siiyey guddoonka golaha wakiilada iyo xubnaha Golaha, sida in xasaanada ay ka qaadi karaan, 44 Mudane, si lamid ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa si dhaqso ah u bilowday olole ka dhan ah tallaabada barlamaanku qaaday iyo guddoomiye Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Waxaana safar uu ku joogay Dalka Sweden soo gaabiyay Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ah u xil-saaranaha Madaxtooyadda ee gacan ku heynta Baarlamaanka.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo deg deg uga soo laabtay safarkiisii Sweden ayaa bilaabay kulamo lagu qancinayo inay kusoo laabtaan garabka Madaxtooyadda, badelkeedana la siiyo dhaqaale iyo in ay dad ay wataan keensadaan kuraasta Xukuumadda ku matasha beelahooda.

Dhanka kalena, guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa wada kulamo uu ku dhimayo culayska ka haysta madaxtooyada waxaana uu kulamo la qaatay isimo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Inkastoo aan la shaacin natiijada kulamadii ugu dambeeyey.

Xogta ayaa  sheegaysa in labada dhinac ay hadda kala haystaan min 30 xildhibaan oo garabkooda ah ayna hadda ku dirirayaan 6 xildhibaan ee dhiman isla markaana dhinacyadu kala jiidanayeen saacadihii ugu dambeeyey.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this