Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Magaaladii 2aad oo maalinta Khamiista Ololle nadaafaddeed loo asteeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland Magaaladii 2aad oo maalinta Khamiista Ololle nadaafaddeed loo asteeyey.

 burco-2.jpg

Duqa Degmada Burco oo ah Guddoomiyaha golaha Deegaanka Magaaladaasi, ayaa sheegay inay kalfadhigoodii maanta oo qabsoomay gelin dambe ku ansixiyeen saddex qodob oo uu kamid yahay in Maalinta Khamiista ee soo socota magaalada laga fulin doono Ololle nadaafadeed bulshadu u dhantahay.

“Wuxuu noqon doonaa Ololle aanu u sii qorshayno qaabka loo fulinayo, si aanay dadku jeermiska qashinka dhibaato ugala kulmin oo aanay jeermis sideyaal u noqon”ayuu yidhi Cabdirisaaq Heero.

Magaalada Hargeysa ayaa qaybo kamida  Khamiistii isbuucii tegay laga fuliyey Ololle qashin xaaq ah, waxaana hogaaminayey Duqa Magaalada iyo ku-xigeenkiisa.

Talaabooyinkan ayaa bilow u ah waxqabadka laga sugayo Goleyaasha Deegaanka cusub ee bishii June shaqada la wareegay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this