Deeq A. Posted July 12, 2021 Jubaland ayaa digniin adag u dirtay odayaasha dhaqanka iyo cidwalba oo xiriir la yeelata ururka Al-shabaab, waxayna sheegtay in cidii jabisa go’aankan ay talaabo ka qaadi doonto. Go’aankan ayaa waxaa soo saaray Golaha Amniga Jubaland oo maanta yeeshay shir uu guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga doorashooyinka. Jubaland waxay sheegtay in ay joogtaynayso shir maalinle ah oo looga hadlayo arrimaha amniga doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo digniin u dirtay odayaasha dhaqanka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites