Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 4 Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabshado ka dhashay xarigii loo geystay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur afrika Jocab Zuma ayaa maalintii shanaad ka soconaya gudaha dalkaas.

Taageerayaasha Zuma ayaa dhigaya banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in xabsiga laga soo dooyo hogaamiyadooda.

Dalka koonfur afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ay u ganacsi dontaan.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay afar qof oo dhalinyara Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka afar iyo labaatanki saac ee la soo dhaafay.

Dhalinyaradan ayaa ahaa kuwa ganacsiyo ku leh magaalooyinka koonfur afrika waxaana lagu kala magacaaba :

Maxamuud Qoojo.
Goosaar Ganeey .
Mahad Ciise.
Nuur Cali Sarjaan.

Dhanka kale hanti badan oo ay leeyihiin dad soomaali ah ayaa dalkan koonfur afrika lagu dhacay, iyadoo kooxaha falkan ka dambeyay aysan dowladda weli gacanta ku dhigin.

Sikastaba koonfur afrika ayaa horay waxaa marar badan loogu dilay dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo dalkaas ganacsiyo kala duwan ku lahaa.

FB_IMG_1626105018752.jpg FB_IMG_1626105015137.jpg FB_IMG_1626105013038.jpg FB_IMG_1626105011089.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this