Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro Muwaadiniin Soomaaliya oo lagu dilay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika+Tirada Dhaawaca & Dhimashada Somaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Tiro Muwaadiniin Soomaaliya oo lagu dilay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

 dil-1.jpg

Waxaa sii xoogeesanaya rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ay dhigayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo dhawaan xabsi la dhigay kadib markii lagu xukumay 15-bilood oo xabsi ah,

Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Kwazulu Natal ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa halka kuwa kalana lagu dhaawacay maanta kaliya.

Inta la xaqiijiyay afar wiil oo Soomaali ah ayaa maanta lagu dilay weerar lagu qaaday gaadhi ay la socdeen xili ay kasoo baxsanayeen deegaan ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay afar muwaadin kale oo isbitaal la dhigay.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha nafeed ee Soomaalida kasoo gaadhaya rabshadaha ka bilowday qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika oo goobaha ganacsi lagu boobayo sidoo kale dadka lagu dilayo.

Soomaali badan ayaa iska xidhtay goobahooda ganacsi iyagoona u cararay goobo ay uga bad baadi karaan rabshadaha socda, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha hada socda kusii faafaan goobo kale oo hada xasiloon.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this