Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Buulle: Guddiga doorashada ee Kismaayo laga soo magacaabay ma iman karaan Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee xirirka la leh madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah kala dhaxeyn oo aysan aqoonsaneyn madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Maxamed (Canjeex)Buulle ayaa warbaahinta u sheegay inay mowqifkooda u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble markii ay kula kulmeyn magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

”Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu inoo sheegay markii aynu la hadalnay doorkiisa koowad in uu yahay dalka oo dhan in ay doorasho ka dhacdo, taasne uu ku dadaalayo uuna diyaar u yahay doorashadaas in ay qabsoonto, annagana waan soo dhaweynay arintaas ayada ah in dalka ay doorasho ka dhacdo diyaarna aan u nahay qodobka koowaad buu ahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle oo la hadlay BBC.

Axmed Buulle ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Ra’iisul Wasaaraha waxaan kaloo u sheegnay annaga iyo Axmed in aan wax xiriir ah aanan laheyn, Axmedne dadkaan Jubaland go’aaney ka gaareen, Jubaland deegaan keeda dadka u dhashayna ay isku imaanayaan gogolna ay u taallo ayna dhiganayaan magaalada Garbahaarrey, ayna ugaas yadoodii iyo wax garadkooda inta isku yimaadaan ay ddhisanayaan Jubaland in ay naga go’an tahayna, waan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, saacadda Axmed waqtigiisa ay dhamaatana gogosha wa ay u fidsan tahay dadka Jubaland”.

Guddoomiye Buulle ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe ay ku egtahay 20-ka Bisha 8-aad marka la gaarana wuxuuu sheegay in isla maalintaas ay furi doonaan gogol lagu dhisayo madaxweynaha cusub ee Jubaland.

“Axmed mudadiisu 20-ka bisha 8-aad bey ku egtahay, 20-keeda gogosha waa ay furan tahay Cida hal maalin axmed ugu dari karto malahan, ciddi howshaas ayada ah damacdana waxa ay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo iyo waxa meesha ka dhaco ayada la weydiina,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle.

Rooble mar uu Kismaayo Ka hadlayay wuxuu sheegay in doorashada Jubaland ka dhacayso – ha noqoto tan Garbahaarreey ama Kismaayo – in maamulka uu mas’uul ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in uu kula xisaabtamayo Madaxweyne Axmed Madoobe, balse guddoomiye Axmed Buule ayaa sheegay in marnaba aysan aqbalaynin dad Axmed Madoobe uu soo magacaabay. Wuxuu ku doodayaa in “muddo xileedkiisa uu dhammaanayo kuna egyahay bisha Sideedaad ee sannadkan,” ayna raysal wasaaraha arrntaasi u sheegeen.

Gedo ayaa waxa ay ka mid tahay caqabadihii muddo ku hor gudbanaa doorashada Soomaaliya, xilli DF iyo maamulka Jubbaland ay ku kala tageen dhowr jeer.

Hadalka maamulka Gedo ayaa yimid xilli rooble uu booqosho ku tagay maagalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo.

The post Axmed Buulle: Guddiga doorashada ee Kismaayo laga soo magacaabay ma iman karaan Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this