Sign in to follow this  
Deeq A.

Buuq ka dhashay wax-ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Baarlamaanka-Puntland-1.jpg?resize=750%2

Muran siyaasadeed ayaa ka taagan Baarlamanka Puntland, kadib markii khilaaf ka dhashay wax ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada.

 Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka Baarlamanka ayaa qeexaya in Xasaanad ka qaaddida Guddoonka iyo Xildhibaannada ay la simantahay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, islamarkaana ay xasaanadda ku waayi karaan 44-cod, halka markii hore ay ahayd 34-cod.

Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadkan oo Goluhu meel-mariyay 4-tii bishan July 2021, waxa si adag u diiddan Xukuumadda Puntland iyo xildhibaanno taageersan, kuwaas oo doonaya in laga laabto wax-ka beddelka Xeerka.

Sida ay Puntland Post ogaatay, inta badan Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa isku raacsan Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadkan, si aysan mar dambe u dhicin in Guddoonka ama Mudanayaasha si fudud xilka looga xayuubiyo markii ay Xukuumadda is-qabtaan.

Xeel-dheerayaasha Siyaasadda qaarkood, ayaa aaminsan in Xukuumadda Puntland aysan wakhtigan awoodin laba qodob midkoodna; in ay meesha ka saarto wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka iyo in ay mooshin ku riddo Guddoonka Baarlamanka, maadaama Xildhibaananda badankoodu la socdaan Guddoonka.

PUNTLAND POST

The post Buuq ka dhashay wax-ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this