Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xeer Baa Lasoo Saaraya, Qofkii Lagu Arko Calan Soomaaliya…” Faysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa casuumad u sameeyay dhalinyarada hindistay halku dhaga “kani waa kaygii.

Dhalinyaradan oo kasoo jeeda magaalada Boorama ayaa bilabay halku dhaga “kani waa kaygii” oo ay ku sheegayeen in ay leeyiin calanka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe iyo saraakiil katirsan xibigiisa ayaa dhalinyarada ku booqday magaalada Boorama.

Faysal ayaa dhalinyarada ku booriyay barnaamijka “kan waa kayga” oo Somaliland oo dhan ku baahay.

“Wixi aad bilowdeen Somaliland oo dhan buu saameeyay, taasa nasoo laab kicisay anagana” ayuu yidhi.

“Arrintani waxay ku tusaysa in hadii dadku wax wanaagsan keenaan ay samayn yeelanayso” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sharci laga soo saari doono qofka lagu arko calanka Soomaaliya.

“Xeer baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko calan Soomaaliya ah waa dambi wayn” ayuu yidhi.

“Qofkii dadka isku dirayana sharci ayaa laga soo saari doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Barnaamijka “kani waa kaygi” oo ay hindiseen dhalinyaro reer Borama ah, ayaa samayn ku yeeshay gudaha Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this