Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka Qaranka Taliyaaniga Oo 53 Sanno Kadib Ku Guulleystay Koobka Yurub Ee UEFA Euro 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Rome)-Dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1968 iyadoo goolhaye Gianluigi Donnarumma uu badbaadiyey laba rigoodhe oo England ah waxayna ku badiyeen 3-2.

Labada dhinacba waxay ku dhammaatay ciyaarta daqiiqadihii loogu talogalay  barbaro 1-1 waqtiga dheeriga ah ciyaarta oo ka dhacday Wembley.

Goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma ayaa ka qabtay rigoodhayaasha b  Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ka dib markii Marcus Rashford uu birta garaacay, iyadoo Federico Bernardeschi, Leonardo Bonucci iyo Domenico Berardi ay dhammaantood goolal u dhaliyeen xulka Talyaaniga.

Luke Shaw ayaa u dhaliyay gool qurux badan xulkiisa ciyaarta oo socotay laba daqiiqo oo kaliya, siiyay riyo ah laakiin Italy ayaa goolka barbaraha keenstay daqiiqadii  67aad iyadoo uu u dhaliyay Bonucci.

Waxay ahayd finalkii ugu horreeyey ee lagu kala adkaado rigoodhayaal tan iyo markii Czechoslovakia ay garaacday West Germany 1976.

Xulka England ayaan wax koob ah ku guuleysan tan iyo sanadkii 1966dii oo uu ku guuleystey koobka adduunka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this