Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 60 Qof Oo Loo Xidhay Rabshadaha Ka Socda Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- South Africa)-Dibadbaxyo rabshado iyo bililiqo wata ayaa waxa ay ka dillaaceen laba Gobal oo ka tirsan dalkaasi, oo looga soo horjeedo xabsiga lagu xukumay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma.

Taageerayaashiisa waxay jidgooyo ku xanibeen Waddooyinka, iyagoo boobaya goobaha Ganacsiga.

Dibadbaxyada waxay ka bilowdeen Gobalka KuwaZulu Natal, kadibna waxay ku fideen Gobalka kale ee Gauteng oo ay qeyb ka tahay magaalada ugu weyn dalkaasi ee Johannesburg.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay ugu yaraan 62 qof u soo xidheen Rabshadaha iyo Boobka ka socda Goballada ay ku badan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore, Jakob Zuuma oo ay u bilaabantay Xabsi 15 bilood ah.

Maydka Nin 40 jir ah oo gubtay ayaa laga dhex helay goobtiisa Ganacsiga, waxayna Boliska baadhayaan sababaha ku gedaaman dilkaasi.

Sidoo kale, ugu yaraan 3 Saraakiil Bolis ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah la dhigay cisbitaalka, xilli ay Ciiddanka doonayeen inay ka hortagaan falalka Bililiqada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this