Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Khadiija Oo Gaadhi Nooca Raaxada Ah Iyo Lacag U Soo Dirtay Barkhad Jaamac Batuun

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaadhi nooca raaxada ah u dirtay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mid noqday Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Xildhibaan Barkhad ayaa gaadhigiisa iibiyay intii uu socday olalahiisa doorashada, isaga oo lacagtii kasoo baxday siiyey shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu coddeeyay 31-kii May, gaar ahaan haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay

Sidoo kale xoggo ay baahinayaan warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan ayaa tilmaameysa in Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay Xildhibaan Barkhad u soo dirtay lacag ka badan 15 kun oo dollar si uu iskaga bixiyo lacag deyn ah oo ku baxday olalahiisa doorashada.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ay isku beel yihiin Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa Muqdisho dhowr jeer ku qabatay xaflado ay ugu dabaal dageyso guusha Xildhibaan Barqad.

Khadiija iyo Barqad ayaa labaduba kasoo jeeda beelaha ay Soomaalida takoorto, waxaana guusha Barkhad aad usoo dhoweeyey Soomaali badan oo rumeysan in dadku wada siman yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this