Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Safaarad Ka Furan Doonta Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Saraakiisha Imaaraadka waxa ay sheegeen inay maalinta arbacada ee soo socota si rasmi ahaan Safaaradooda uga furan doonaan Caasimadda Israel ee Telviv.

Madaxweynaha Israa’iil, Isaak Herzog ayaa la sheegay inuu goobjoog ka noqon doono Munaasabadaasi.

Ergada Diplomaasiyiinta Israel waxay tan iyo bishii January ee sannadkan ka hawl-galayeen dalka Imaaraadka, iyadoo isbuucii hore la furay dhismaha Safaraadda Israel ku leedahay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Yair Lapid waxa uu dabayaaqadii bishii hore ee June socdaal ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo goobjoog ka noqday Furitaanka Qunsulliyada Guud ee Israa’iil ee magaalada Dubai.

Dabayaaqadii sannadkii hore, Dowladaha Imaaraadka, Moroko iyo Sudan waxay xiriir Diplomaasiyadeed la saxiixdeen Israel, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump Galaangal u galay Heshiiskii the Abraham Accords si loo caadiyeyn lahaa Xidhiidhka Israa’iil iyo dalalka Carabta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this