Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howlgal ka fuliyey Muqdisho kadib weerarkii hoobiyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus waxa ay ka sameeyeen xaafado ka titsan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Howlgalka oo sidoo kale ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen gudaha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan uu daba- socdo weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee habeen hore lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay gudaha u galeen guryo qaar oo bartimaameed gaar ah u ahaa, kuwaas oo laga soo qab qabtay dad ay sheegeen inay yihiin tuhmanayaal.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in dadka lasoo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay natiijada rasmiga ah dib ka shaacin doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga, kuwaas oo lagu soo qabtay kooxo hubeysan oo ku howlanaa falal liddi ku ah  amniga.

Si kastaba, howlgalladan is daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo sido kale mida madaxweynaha.

The post Ciidamada ammaanka oo howlgal ka fuliyey Muqdisho kadib weerarkii hoobiyaasha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this