Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weeraray magaalo uu gaaray Odowaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen degmada Buulo-Burte, xilli haatan uu ku sugan yahay taliyaha ciidamada Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray gudaha magaaladaasi.

Madaafiicda ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dalka Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, halka qaarkood ay ku hoobteen xaafado ka tirsan degmadaasi oo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda, waxaana ay tilmaameen inay soo wajahday cabsi xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dhankooda ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyeyaashaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda ay saaka howl-gallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada iyo duleedkeeda, si loo xaqiijiyo amniga.

Weerarkan waxa uu ku soo aadaya, xilli haatan Buulo-Burte ay ku sugan yihiin taliyaha ciidamada Xoogga, madaxweyne ku xigeenka HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo u tegay arrimo la xariira daah-furka qeybta 27-aad oo laga dhigay degmadaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

The post Al-Shabaab oo weeraray magaalo uu gaaray Odowaa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this