Sign in to follow this  
Deeq A.

JUBBALAND oo shaacisay qodobadii ay R/W ROOBLE isku fahmi waayeen (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)  – Iyada oo ugu magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan socdaalkiisii Kismaayo iyo Garbahaarey.

Axmed Ismaaciil oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal ku shaaciyey xog ku aadan socdaalka ra’iisul wasaare Rooble ee deegaanada maamulkaasi, wuxuuna xildhibaanku sheegay inuu ahaa mid natiijo la’aana.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalladii dhex-maray Rooble iyo hoggaanka Jubbaland iyo waan-waantii socotay aysan u dhicin sidii la rabay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaciyey in qodobada la’isuku hayo ay yihiin arrinta dib u heshiisinta iyo sidii loo qaadi lahaa ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay kala hadleen ra’iisul wasaaraha sidii wax looga qaban saraakiisha nabad sugida ee gobolka ku sugan, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka qorayaan, isla-markaana ay u bandhigeen ra’iisul wasaaraha, balse la’isku fahmi waayey.

“Dhibaatada taagan ee u baahan in xalka loo helo waa in dib u heshiisiin la sameeyo, in la qaado ciidanka dowladda federaalka ay geysatay gobolka Gedo, in ciidamada nabad sugidda ee dadka qoraya in uu wax ka qabto, ra’iisul wasaaraha waan u sheegtay balse ma suuragelin,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaanka u hadlay maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan si rasmi ah loo guda-galiyo doorashooyinka dalka, ra’iisul wasaarahana uu shaaciyey in maamulka doorashada ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka looga dambeynayo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Si kastaba maamulka Axmed Madoobe ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu khilaaf xoog-leh kala dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, waxaana la’isku qabtay dib u doorashadiisa iyo sidoo kale ciidamada ay dowladdu geysay gudaha gobolka Gedo.

The post JUBBALAND oo shaacisay qodobadii ay R/W ROOBLE isku fahmi waayeen (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this