Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo sharci yaab leh dhowaan kasoo saareysa calanka Somalia (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dhawaan hirgelin doonta sharci baneynaya xariga iyo tacadiyada ka dhan ah muwaadiniinteeda qaata calanka Soomaaliya ama ku soo bandhiga meel fagaare ah ee gudaha deegaanadeeda.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa shaaciyey in sharcigaas lasoo saari doono, kaasi oo dambi ka dhigaya in gudaha deegaanada Somaliland lagu qaato calanka Soomaaliya.

“Sharci baa la soo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya, oo waxaa la horgeyn doona golaha cusub,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayey munaasibad ka dhacday Boorama.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay soo saari doonto xeer tallaabo sharci ah looga qaadayo dadka jeediya hadallada xanafta leh ee colaada horseedaya.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya xili dhawaan dhalinyaro badan ay calanka Soomaaliya ku dhex qaateen deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama, kuwaasi oo badankooda xabsiga loo taxaabay xiligii lagu jirey dabaal-degyada maalmaha xoriyada.

Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa haddana inta badan waxay qaada tallaabooyin lagu beegsanayo qof kasta oo taageero u muujiya Soomaaliya ama kasoo horjeesta fikirkeeda gooni-goosadka ah ee mudada badan ay ku raadineysay aqoonsiga.

The post SOMALILAND oo sharci yaab leh dhowaan kasoo saareysa calanka Somalia (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this