Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND iyo GALMUDUG oo gaaray heshiis cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo wax ka taraya dhanka amaanka, islamarkaana culeys hor leh saaraya kooxda Al-Shabaab ay labada maamul kula jiraan dagaal.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay sameeysanayaan iskaashi dhinaca Amniga ah, si ay si-wadajir ah ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Heshiiska cusub ee labada ee dhanka amaanka ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay dhawaan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen kooxda Al-Shabaab deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxay labada maamul bilaabi doonaan howl-galo ay si-wadajir ah u fulinayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug, si wiiqo awooda kooxaha argagixisada ah, sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland.

Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka amniga Puntland ayaa asaguna sheegay in Puntland ay ku biireyso dagaalka adag ee Galmudug kula jirto Al-Shabaab, isagoona xusay in marnaba maamulkooda uu kala tashan doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay heshiis ku gaaran iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshe waxa uu midkaan noqonaya midkii ugu cuslaa ee ciidamada labada maamul si wada-jir ah u fuliyaan.

The post PUNTLAND iyo GALMUDUG oo gaaray heshiis cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this