Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 60 qof oo lagu xiray Rabshado ka dhacay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibadbaxyo rabshado iyo bililiqo wata ayaa waxay ka dillaaceen labo Gobal oo ka tirsan dalkaasi, oo looga soo horjeedo xabsiga lagu xukumay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma.

Taageerayaashiisa waxay jidgooyo ku xanibeen Waddooyinka, iyagoo boobaya goobaha Ganacsiga. Dibadbaxyada waxay ka bilowdeen Gobalka KuwaZulu Natal, kadibna waxay ku fideen Gobalka kale ee Gauteng oo ay qeyb ka tahay magaalladda ugu weyn dalkaasi ee Johannesburg

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay ugu yaraan 62 qof u soo xireen Rabshadaha iyo Boobka ka socda Goballada ay ku badan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore, Jakob Zuuma oo ay u bilaabantay Xabsi 15 bilood ah.

Maydka Nin 40-jir ah oo gubtay ayaa laga dhex helay goobtiisa Ganacsiga, waxayna Boliska baarayaan sababaha ku gedaaman dilkaasi.

Sidoo kale, ugu yaraan 3 Saraakiil Bolis ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah la dhigay Isbitaalka, xilli ay Ciiddanka doonayeen inay ka hortagaan falalka Bililiqada.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 60 qof oo lagu xiray Rabshado ka dhacay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this