Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa degaanka Bohol Garas oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeeiyooday 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,.sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this