Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaskii awoodda badneyd ee Ex-madaxweyne Anwar Saadaat

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaskii awoodda badneyd ee Ex-madaxweyne Anwar Saadaat

Jihan Saadaat waxay u doodi jirtay xuquuqda haweenka
Jihan Saadaat waxay u doodi jirtay xuquuqda haweenka

Jihaan Saadaat waa xaaskii madaxweynihii hore ee Masar Anwar El Sadaat, waxay Jimcihii ku geeriyootay cisbitaal ku yaalla maagalada Al Qaahira halkaas oo maalmo lagu daweynayay.

Jihan Saadaat waxay ku geeriyootay da’da 88, dadkii ka tacsiyeeyay geerida ku timid waxaa kamid ah madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi.

Jihan Sadat waxay masaafo yar u jirtay seygeeda oo ahaa madaxweynihii Masar xilli dabley ay rasaas ku fureen xillii uu daawannayay ciidamo gaado ka ciyaar kusoo bandhigayay Qaahira, dhowr rasaas ayaa haleeshay seygeeda Anwar Saadaat, labo saacadood kadibna wuxuu madaxweynaha dhawaaca kasoo gaaray weerarka, 6-dii bishii Oktoobar ayay aheyd xilliggaas, waxaana meesha ka baxay awooddii Jihan oo aheyd marwada koowaad ee Masar.

Taariikhda Jihan

Waxay sanadkii 1933 ku dhalatay magaalada Qaahira, aabaheed wuxuu ahaa Masaari halka hoooyadeed ay kasoo jeeday Ingiriiska.

Jihan waxay wax ka dhigtay iskuuladii dowladda ee gaarka u ahaa gabdhaha, waxay si wanaagsan u baratay luqadda Ingiriisiga, Carabiga, Xisaabta iyo Seyniska.

Jihan waxay inta badan nolosheeda kusoo qaadatay arrimaha caddaallada iyo u doodidda xuquuqda dumarka Masar, waaana shaqo in muddo ah ay ku howlaneyd tan iyo markii la khaarijiyay seygeeda.

Jihan waxay Anwar Saadaat kula kulantay guriga ay qof ay qaraabo ahaayeen , wuxuu xilliggaas ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada, wax yar ka hor waxaa laga soo sii daayay xabsi kadib markii uu waday dagaal ka dhanka ah maamulkii Ingiriiska ee Masar.

Arooskii Anwar Saadaat iyo Jihan 29-kii bishii May 1949
Arooskii Anwar Saadaat iyo Jihan 29-kii bishii May 1949

Anwar markaa xaas hore ayay kala tageen, sanadkii 1949 ayay wada aqal galeen, waxay isu dhaleen afar carruur ah.

Jihan waxay ku biirtay jaamacaddii Qaahira si u barato suugaanta Carabta, waxay ka qalin jebisay 1978 halka shahaadada labaad ay ka qaadatay sanadkii 1980.

Sanadkii 1979 waxay seygeeda ku dhaadhicisay in uu ansixiyo xeer dumarka Masaarida loogu qoondeeyay 30 kursi golaha baarlamaanka.

Awooddii Saadaat

Saddex sano kadib guurdkoodi, Anwar Saadaat wuxuu ku biiray kacdoonkii uu horkacayay Jamaal Cabdinaasir ee xilka looga tuuray boqorkii Masar ee taageerada ka helayay Ingiriiska, waxay wax ka baddaleen hannaankii siyaasadda Masar.

Anwar Saadaat xilal kala duwan ayuu dowladda kasoo qabtay markii dambe madaxweyne ayuu Masar ka noqday markii uu geeriyooday Jamaal Cabdinaasir sanadkii 1970.

Jihan waxay kaalin firfircoon ka qaadatay maamulak dowladda markii uu awoodda hayay seygeeda, xitaa waxay u raaci jirtay safaaradda dibadda uu ku tegayo Anwar.

Jihan waxay soo caanbaxday sanadihii 1960s markii ay waday olole ay ku dhiirigelineyso dumarka ku nool miyiga Masar gaar tuulada Talla oo ku taalla gobolka Nile Delta, waxay haweenka u sameysay ururro iskaashato si haweenka dhaqaala ahaan ay isugu tashadaan.

Anwar iyo Jihan oo ku sugnaa gurigooda ku yaalla magaalada Alexandria sanadkii 1972
Anwar iyo Jihan oo ku sugnaa gurigooda ku yaalla magaalada Alexandria sanadkii 1972

Sanadkii 1978, Anwar Saadaat wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee kasoo jeedo dalalka Carabta ee heshiis la galo Israa’iil kadib dadaallo diblumaasiyadeed oo ku aadan heshiiskaas oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyinihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, isla sanadkaas Anwar iyo Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil waxaa la siiyay bilabadda nabadda.

Heshiskaas wuxuu ka careeysiiyay dadweyne badan oo reer Masar ah, waxaana Masar ka dhacay dibadbaxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo arrintaas.

Labo sano kadib markii heshiiskaas saxeexay, waxaa laga soo dhaweeyay guud ahaan caalamka basle waxaa laga cambaareeyay dunida carabta. markii dambe waxaa la toogtay Anwar Saadaat xilli uu ku sugnaa goob ay militeriga gaaddo ka ciyaar kusoo bandhigayay magaalada Qaahira xilliggaas oo loo dabaaldegayay dagaalkii Masar iyo Israa’iil ee sanadkii 1973.

Anwar Saadaat iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter xilli uu booqasho ku joogay Masar kadib heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa'iil
Anwar Saadaat iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter xilli uu booqasho ku joogay Masar kadib heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil

Noloshii waxbarashadeeda

Markii la dilay Anwar Saadaat, Jihan muddo sanad ah ah indho lamaa saarin iyadoo ka murugeysaneyd dilka seygeeda.

Waxay markii dambe u bilowday in bare ay ka noqoto jaamacadda Qaahira halkaas oo ay ka diyaarineysay waxbarahseeda PHD-da.

.

Sanadkii 1984, guddoomiyihii jaamacadda gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka ayaa ka codsaday inay bare ka noqotao halkaas, markii dambena wey ka aqbashay.

Waxay sidoo kale wax ka dhigi jirtay jaamacadda American University ee ku taalla Washington.

Sanadkii 1986 waxay isaga tegtay jaamacadda South Carolina, waxay markii profasoor ka noqotay jaamacadda Radford ee gobolka Virginia.

Jihan Al Saadaat waxay sanadkii 1993 noqotay profesaroor cilmiga xiriirka caalamiga ah ka noqotay jaamacadda Maryland ee Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this