Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeelasha Sucuudiga oo la sheegay in haweenka lagu kufsado

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeelasha Sucuudiga oo la sheegay in haweenka lagu kufsado

.

Haayadda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha Human Rights Watch ayaa sheegtay inay heshay xogo cusub oo ku saabsan jirdil la sheegay in loo geystay maxaabiis caan ah oo siyaasadeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaal Sacuudiga.

Haayadda ayaa sheegtay in ay xog ka heshay Ila aan shaacin magacooda oo keliya isku tilmaamay in ay qayb ka yihiin gaadhka jeelka ayaa sheegay in faraxumayn loo gaystay gabadha u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ee dalkaas, Lujayn al-Hathloul, oo hadda se debedda joogta.

Waxaa kale oo ay sheegeen in maxaabiista qaar sida loo jdhdilayo ayba ku sigtaan in naftu ka baxdo.Masuuliyiinta Sucuudiga ayaan wali ka jawaabin eedeymahaas loo soo jeediyay. Waxaana ay marka iska fogeeyaan eedaymaha ku saabsan in jeelasha dalkaas jidh dil ka dhaco.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this