Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiyaanka ku nool Hargeysa oo dibad-bax dhigay kadib markii lagu eedeeyey arrin xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada ee ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa maanta dhigay banaanbax cabasho ah, waxayna ka cabanayaan eedeymo culus oo uga imaanaya bulshada reer Somaliland.

Dadka Oromada ah ee maanta banaanbaxa dhigay waxay sheegeen in mar kasta lagu tilmaamo kuwo caruurta xada ama afduubta, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoog leh oo ka qabaan in dhib loo gaysto.

Waxay sheegeen in ilmayar oo dhawaan gurigooda laga xaday lagu eedeeyey inay xadeen dad Oromo ah, taas oo ku dhalisay cabsi ay ka qabaan in la bartilmaameedsado.

“Anagu dalkan magan-geliyo ayaan ku joognaa, waxaan heysanaa kararka sharciga ah ee qaxootinimo, seddax sano ayaan joogaa dalkaan, waxaan ka codsaneynaa madaxda Somaliland oo xukunkooda aan hoos joogno, in nabad geliyada nada xil la iska saaro, magaalada waxaan kamari la’nahay Orormo caruurta ayey xadaa, waan cadibanahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ragii Oromada ahaa ee banaanbaxaas ka hadlay.

Sidoo kale mid ka mid ah haweenkii Oromada ahaa ee goobtii banaanbaxa ka hadlay ayaa tiri, “Dadkeena Oromada ah intooda badan horta ma shaqeeyaan, waxna ma heystaan, dad gaajo u baqtinaya ayaa dalka ku nool, dadkeenii shaqa tegi lahaana waxaa la leeyahay Ubadkaa xadiin, marka dowladda waxaan leenahay taa nooga gargaara, Somaliland dhexdeeda dhinac aan u dhaqaaqno ayaan garan la’nahay, shaqooyinkii yaraa ee aan heysanay waxaa nagoola joojiyey Oromo dadka ayey qaadataa.”

Dhinaca kale, guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed oo wareysi siiyey VOA ayaa meesha ka saaray inay jiraan dad halis ku ah amniga dadka Oromada ah ee ku nool deegaanada Somaliland.

“Warbaahinta waan ku arkay cabshada dadka Oromada ah, inkastoo aysan noo imaanin oo aysan nala wadaagin waxa ay dareemayaan, laakiin dadka intii sharci dalka ku joogta dowladda ayaa amnigooda damaanad qaaday, sida umadda kale ee reer Somaliland, ma jirto sabab ay cabasho u muujiyaan, ma jiraan dad isku abaabulaya inay dhibaateeyaan dadka Oromada ah,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed Maxamed guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland.

The post Itoobiyaanka ku nool Hargeysa oo dibad-bax dhigay kadib markii lagu eedeeyey arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this