Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadhii Ugu Horraysay Ee Soomaali Ah Ee Addis Ababa Xildhibaan Ka Noqotay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Saxarla Cabdullaahi Bahdoon ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa caasimada dalka Itoobiya.

Gabadhan ayaa ku guuleysatay kursiga lagu tartamayay ee xaafadda Yeka magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah.

Saxarla Cabdullaahi oo ah wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya waxa ay ku tartamaysay magaca xisbiga EPP ee tallada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaadhka aheyd ee EPDRF.

Aabbaheed ayaa shan sannadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u raray, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.

Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay.

Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba.

Waxa ay xidhiidhiye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay helaan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo kalana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaanba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this