Sign in to follow this  
Deeq A.

Oromada Ku Nool Somaliland Oo Ka Cabanaya Booliska Iyo Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Jaalliyada Oromada ee ku dhaqan Somaliland, oo ka cabanaya magac dil iyo raaf joogto ah.

Dadwaynaha Oromada ah oo mudaharaad ka dhigay Hargaysa, ayaa cabasho ka muujiyay ciidanka booliiska oo ay sheegeen in ay raaf joogto ah ku hayaan.

“Ubadkayagii waala wada raafayaa, Wajaale ayaa lagu wada qubayaa” haweenay kamida mudaharaadayaasha ayaa sida tidhi.

“Hooyooyinkii khaatiyaan bay ka taaganyihiin, maalinkasta way ooyayaan” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Sidookale waxay cabasho ka muujiyeen in suuqa loo galiyay dacaayado, oo lagu sheegay in danbi kastaba ay iyagu galaan.

“Falkasta oo dhaca waa Oromo, inan hadii la kufsado waa Oromo, mobil hadi la qaato waa Oromo” haweenay kamida mudaharaadayaasha ayaa sida tidhi.

“Dowlada Somaliland sidan ha naga dayso ayaanu leenahay”.

“Xaafadaha ayaanu u shaqayna, imika uma shaqayn karno, madama oo lana leeyahay caruurti ayaad xadaysan” ayay hadalkeeda sii racisay.

Dad katirsan qoomiyada Oromada, ayaa lagu eedeeyay in ay xadeen caruur reer Hargaysa ah, isla markaana booliiska ayaa raafa dadka Oromada ah

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this